Mahiga: Somalia waxaa loo dhisi doonaa laba aqal baarlamaan

Mahiga: Somalia waxaa loo dhisi doonaa laba aqal baarlamaan

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in la dhisi doono gole lagu magacaabo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ay gali doonanaan odayaasha dhaqanka Soomaalida.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu ku sheegay odayaasha dhaqanka Soomaalida ka dhex muuqan doonaan aqalka hoose ee baarlamaanka taasi oo qeyb ka ah heshiiski la gaaray in la sameeyo Golaha Baarlamaanka iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka.

Odayaasha dhaqanka waxay qeyb ka noqon doonaan aqalka hoose ee baarlamaanka, waayo waxa leysku afgartay in Soomaaliya laga sameeyo laba aqal baarlamaan la sameeyo, kaalinta odayasha dhaqanka waa muhiim si loo xaliyo dhibaatada baarlamaanka,” ayuu yiri.

Mar la weydiyey sida uu ula shaqeyn doono odayaasha dhaqanka iyo sida uu u arko doorkooda siyaasada Soomaaliya ayuu sheegay in aanan loogaga maarmin xalinta dalka.

“Hogaamiyaasha dhaqanka oo lala xiriira laba ahmiyadood oo waaweyn ayey ku fadhidaa si hey’adaha tastuuriga ah ay u dhaqaajiyaan howlahooda, tan koowaad waa in ay soo doortaan xubnaha golaha ansixinta tastuurka, arrinta labaadna waa in hogaamiyaasha dhaqanka naga taakuleeyaan in ay soo doortaan xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya yeelan doonto,” ayuu yiri Mahiga.

Odayaasha dhaqanka ayaa ka mid ah dhinacyada saameynta ku leh Soomaaliya, waxaana ay door fiican ku lahaayeen dhamaan dowladihi laga dhisay dalka 20-ki sano ee lasoo dhaafay.