Mahiga oo Warqad Furan Udiray Barlamaanka Cusub Si ay Usoo Doortaan Hogaamiye Daacad ah

Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Mahiga ayaa warqad furan udiray Xildhibaanada barlamaanka ee soo dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ee cusub.

Kadib muddo 20-sano ah oo uu Dalku kusoo jiray Dagaal Qalalaaso haatan waxaa muuqanaya Ififaalo Nabadeed Dalka waxa uu ka baxayaa Marxaladda kaga guurka waxaana uu galayaa Dowlad Federal ah Baarlamaanka waxaa looga baahan yahay in ay soo doortaan Madaxweyne Qibrad iyo Dadaal badan kaasi oo dadkiisa dhibaateysan ka bixin kara Diifta heysata sidaasi waxaa yiri Xogahaya QM u qaabilsan Soomaaliya Ambaasadoor Mahiiga.

Sidoo kale Ambaasadoor Mahiiga waxa uu sheegay in Baarlamaanka ay Isha la,eegaan Musharax Daacad ah isla markaana saameyn weyn ku yeelan kara in Dalka uu Hogaamiyo Afarta Sano ee soo aadan.

‘Waa in rajada ay qabaan shacabka gudaha, wadamada gobolka iyo beesha caalamka laga soo baxaa oo la doortaa madaxweyne keeni doona dowlad wanaagsan, sida hogaanka mideysan ee barlamaanka cuusub ee Soomaaliya, Waxeyna arintas utaalaa walaalaha rag iyio dumar ee sharci dajinta.

“Labada maalmood ee soo socota waxaad dhagaysan doontaa khudbadaha ay jeedinayaan musharaxiinta madaxweynaha, dhagaysta oo xulashadiisa ku saleeya sida ay ukala wanaagsan yihiin.

Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in maalin uun ay soo cadaan doonaan wararka sheegaya in ay jiraan masuq maasuq iyo arimo laaluush loo adeegsado doorashada.

“Codka uu xildhibaan kasto dhiibanayo waa mid sir ah ma jiro shaqsi aan ahayn qofka codkiisa dhiibaya iyo allaha awooda leh ee uuntay ee arkaya, lamana ogaan karo qofka aad codkaada siisay,.Laguma ogaan doono mana dhici doonto in lagaa aar guto’ ayuu warqada furan ku sheegay Mahiga.

Ergayga gaarka ah ee QM Mahiga oo sii wata ayaa yiri ” Dooro Musharaxa noqon doono daacad kana soo bixi doona hogaaminta dalka, ee leh aragti fog oo ku haboon afarta sano ee soo socota ee isbadalka iyo nabadda Soomaaliya.

Hadalkan kasoo yeeray Qaramada Midoobey ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo Maalmo uun ay ka harsan yihiin waqtiga Doorashada Madaxweynaha Dalka lagu balamay in ay dhacdo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here