Mahiga oo ku wajahan Afgooye

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ku wajahan magaalada Afgooye xilli madaxweyne Shariif lagu wado inuu kasoo laabto socdaal laba cisho qaatay uu halkaasi ku marayo.

Hadal uu maanta siiyey saxaafada ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhaqso ah ku tago Afgooye kadib marki uu casuumad ka helay ciidamada AMISOM sida uu yiri.

“Waxaan diyaar u ahay in aan si dhaqso ah usoo eego Afgooye sababtoo ciidamada AMISOM ayaa igu casuumay si aan usoo eego halkaasi iyo waxa ka soconaya, Afgooye waa mid ka mid ah meelaha ugu qurxoon Soomaaliya waxaana ay ku taalaa qarka wabiga Shabelle,”

Mahiga ayaa la weydiiyey eedeymaha iyo hadalada isku midka ah ee ay usoo jeediyaan siyaasiyiinta iyo mudanayaasha baarlamaanka qaar waxaase uu ku jawaabay intaasi ay tahay shaqadiisa oo uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhamaan dhinacyada Soomaalida.

“Shaqadeyda waa in aan la shaqeeyaa kooxaha siyaasada Soomaaliya kama shaqeynayo wax kale, inti aan ka shaqeynayey roadmapka hanaankan waxaan ka dhigay mid dhameystiran, marka waa in aan la shaqeeyaa dhamaan madaxda sare, baarlamaan iyo siyaasiyiinta kale,” ayuu yiri.

Mahiga ayaa ah siyaasi aanan taageero badan ku laheyn gudaha shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inataba, waxaana dad badan ay u arkaan nin ku faraxsan kala jabka iyo kala qoqobka Soomaalida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.