Mahiga oo ku baaqay in 24-saac lagu soo gudbiyo liiska xildhibaanada

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa ugu baaqay odyaaasha dhaqanka in 24-saac gudahood ay ku gudbiyaan liiska xildhibaanada.

Kulan uu maanta kula yeeshay Muqdisho odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida, ayuu Augustine Mahiga uga codsaday odayaasha in ay xulista dadajiyaan, iyadoona odayaasha ay arintaasi aqbaleen.

Ugaas Warsame Ugaas Cali Suleey oo ka mid ahaa odayaashii kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in ay aqbaleen codsiga Mahiiga isla markaana ay kama danbeyn maalinta beirto ah ay gudbinayaan liiska.

“Waxaan u sheegnay Mahiga in 24-aac gudahood aan gudiga ugu wareejino xildhibaanada si doorashada madaxweynaha u dhacdo waqtigi loo qoondeeyey, arintaasi wuu aqbalay wuuna nagu amaanay,” ayuu yiri.

Maanta ayey odayaasha sheegeen in magacyada ay gudbiyeen, laakin wali waxaa muuqato in beelaha qaar aysan dhameystirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here