Mahiga oo ka Hadlay Xaalada Soomaaliya

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladaha Soomaaliya.

Mahiga oo waraysi gaar ah siinaayay Wargeyska Geeska Afrika ayaa marka hore waxa uu ka hadlay sababtii Maamulka Puntland iyo Kenya uga soo qeyb gali waayeen Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub.

” Anigu hada madoonayo inaan arintaas wax ka iraahdo lakin waxan doonayaa inaan cadeeyo in Madaxweynaha cusub Mr Xasan Sheekh lagu qanacsan yahay”.

Ergeyga Gaarka ah ee qaramada midoobey Mahiga ayaa waxa uu kaloo cadeeyay aragtidiisa wadahadaladii u socday maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

” Kumeel Gaar waa laga baxay, waxaa la galay waa dowlad dhexe, waxan aaminsanahay in Wadahadalada ay halkooda kasii socon doonaan” ayuu yiri Safiirka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya.

Agostine Mahiga ayaa sidoo kale ka hadlay Hawlgalada haatan ka soconaaya qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya oo Shabaabka looga xureynaayo.

” Waxaan u mahad celineynaa AMISOM oo isku dayeeysa in ay ciribtiraan Shabaab, anaguna waan soo dhoweyneynaa cid walbo oo shabaab cirib jareeysa” ayuu yiri Mahiga.

Ugu dambeyntiina Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe ayaa Shacabka Soomaalida ka dalbaday in ay taageeraan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, si buu yiri hooshii loo igmaday uu u guto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Waxaa aad uwanaagsanaan lahaa in mahiiga madaxwayne nooma ahee dalka iyo dadka aan dantoodaka tashano soomaaliyeey gaalo waa isku hadaf midkastana dantiisuu ilaashanayaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here