Mahiga oo ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugaga wakiilka ka ah dalka Somalia Agustine Mahiga ayaa si toos ah uga hadlay mowqifkiisa ku aadan arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya.

Mahiga ayaa sheegay inay waajib tahay in la sheego lana cabsigeliyo wax uu ku tilmaamay kuwo qas  wada dalka somaaliya ee aan dooneyn nabadda, iyadoo aan loo eegeyn buu yiri  koox, shaqsi, kaalinta ay siyaasadda kaga jiraan ama urur dimeedka ay u nasab sheegtaan.

Waxa uu sheegay Mahiga inuu ka walaacsanyahay kooxo doonaya inay xagal daaciyaan qorshaha nabadda ee somaliya, isla markaana taageeraya buu yiri in la kordhiyo waqtiga ku meel gaarka ee dowladda, una dhalan dowlad ka timid mirihii heshiiskii Garowe.

Mahiga waxa sheegay inuu ka xunyahay in qaar ka mid ah hadaladiisa si qalad ah loo turjumay lagana dhigay kuwo diin naceyb uu jiro, kuwa uu uga soo horjeedo xuriyatul Qowlka, kuna dhaleeceeyay madaxda sare ee dowladda .

Waxaan ka xumahay buu yiri in si qalad ah la ii fahmo, anigoo hadafkeygu ahaa inaan bidhaamiyo qataraha ka iman kara in koox gaar ah ay awooda dalka gacanta ku heyso.

Waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay, muddo lix toddobaad ah oo uu qoraal noocan oo kale ah ka soo saaro xafiiska uu dhawaan u guuray ee magalada Muqdisho.

Waxuu ugu baaqay Beesha caalamka inay iyagana u soo guuraan muqdisho si buu yiri ay gacan uga geystaan horumarinta hanaan socodka nabadda

Waxa uu sheegay Mahiga in somaliya weli ay la daalaa dhaceyso mushkiladda ka taagan Baarlamanka, kuwaasoo hor istaagay buu yiri howlihii aasaasiga ahaa ee xildhibaanada, oo baarlamankuna uusan ka gudan karin shaqadiisa.

Waxa uu sheegay in Somalia aysan awoodin inay ku sii jirto ismariwaagan, isla markaana uu isku dayi doono sidii arintan wax loog qaban lahaa.