Mahiga oo Cambaareysay Weerarkii Isqarxinta aha ee ka Dhacay Muqdisho

Wakiilka Gaarka ah xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Augustine P. Mahiga ayaa cambaareeyay Qaraxii ismiidaaminta Bahalnimada ahaa ee maanta lagu weeraray Maqaayad Lagu Shaaheeyo oo ku taallo magaalada Muqdisho iyadoo wararkii hore soo baxay ay sheegeen in tiro dad ah lagu dilay halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen waxaana ku jira xubno wariyayal oo caan ka ah bulshada warbaahinta.

“Waxaan dhaleeceenayaa weerarkaan wuxuushnimada ah,dibna uma dhigi karo falkaan argagixisnimada ah dadaalada nabadda ee Somalia kasoo iftiimay ayuu yiri Augustine P. Mahiga.

Wuxuu intaas ku daray wakiilka Gaarka ah Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Augustine P. Mahiga in dhacdadaan kaliya ay sii xoojinayso go’aanka dadka somaliyeed ay ku diidayaan rabshadaha ka dhanka ah xalinta dagaalada Somalia.

Wakiiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Augustine Mahiga ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo eheladii dadkii lagu dilay Weerarka Qaraxyada ee ka dhacay Hooyooyinka isla markaasna u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay qaraxas inay dhaqso kasoo kabtaan oo ay kasoo caafimadaan dhaawacyadas soo gaaray.

Ugu dambeyn Mahiga ayaa mar kale ku celiyay in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay Somalia ay taageerayso dadka somaliyeed isla markaasna go’aansatay inay si dhow ula shaqeeyn doonto maamulka cusub si loo soo celiyo nabadda iyo deganaanshaha dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here