Mahadaay:Al-shabaab oo xir xirtay Oday dhaqameedyo

Wararka naga sii gaaraya degmada Mahaaday ee gobolka Shabeelada Dhexe, ayaa sheegaya in Al-shabaab ay xir xireen Oday dhaqameedyo farabadan.

Goob joogayaal ayaa Midnimo.com uxaqiijiyay, in saakay dhowr kamid ah Oday dhaqamedyada ku nool degmada Mahadaay, ay shabaabku ku gureen saldhigyada, waxaana warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in shabaabku ay lacag ka doonayaan Odoyaashaas.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa dadka ku dhaqan deegaanada Raaga-ceele, Mahadaay, Warshiikh, iyo deegaano kaloo katirsan Shabeelada Dhexe, islamarkaasna ay shabaabka wali kataliyaan, ay kusoo rogeen in dadka halkaas ku nool ay dhiibaan lacago aad u farabadan.

Al-shabaab, ayaa waayadii danbe waxaa soo gaarayay guuldarooyin is xig xiga, waxaana cadaadsi farabadan oo kaga imaanayay Ciidamada doowlada iyo Kuwa AMISOM, kuwaasoo hadaba kataliya qaybo kamid ah gobolkaas, sida magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here