Magangelyo doon lagu dilay Australia

140123052733_australia_asylum_seeker_512x288_apQof magangelyo doon ah ayaa lagu dilay dalka Australia 77 kalena waa lagu dhaawacay qalaalse ka dhacay xero dad soo galootiga lagu haya ee dalkaas.

Ninka geeriyooday ayaa la sheegay inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray madaxa, isagoo loo sii wado Isbitaalka, sida uu sheegay wasiirka socdaalka ee Australia. Wararka kale ee la xiriira

    Australia iyo dadka qaxooti doonka ah

Warkan ayaa dabajooga warar kale oo sheegayay in dhowr ruux oo magangelyo doon ah ay ka baxsadeen xero lagu hayay Jasiiradda Manus.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid laga naxo, balse waxaa uu sheegay in dowladdiisu aanay baddeli doonin siyaasaddeeda ku aadan dadka magangelyo doonka ah. Siyaasadda Australia

Dadka sida sharci darrada ku tega dalka Australia ayaa lagu hayaa xeryo inta looga oggolaanayo inay dalka galaan.

Hay’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa codsaday in la xiro xeryaha lagu haya dadka soo galootiga ee ku yaalla Jasiiradda Manus.

Soomaalida magangelyo doonka ee xeryahaas ku sugan ayaa lagu soo warramayaa in xaaladooda ay fiican tahay.

Weriye Soomaaliyeed oo BBC-da la hadashay ayaa sheegay in qalalaasuhu uu weli ka socda xeryaha ay Soomaalida ka midka yihiin dadka ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here