Magaaladda Muqdisho oo Amaanka Saakay Aad Loo Adkeeyay

Waxaa saakay gudaha magaaladda Muqdisho lagu arkayaa ciidamo Dowladda kuwii ugu badnaa oo sugaya amaanka Magaaladda Muqdisho ah.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si wadajir ah isaga kaashanaya ammanka xarunta Iskuul Buluuziyo iyo sidoo kale guud ahaan Degmada Xamra jajab oo ay ka dhaceyso Doorashada xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aan la arki karin dad si micno daro ah usocda wadooyinka qaar ee magaaladda ciidamadana ay xor uyihiin in ay ka hortagaan amaan xumadda.

Ciidamada ayaa wadooyinka dhigtay gaadiid iyo baro control iyagoo baaraya gaadiidka maraya.

Amaanka magaaladda ayaa loo sugayaa maadaama maanta magaaladda Muqdisho ay ka dhacayso doorasho madaxweyne mudo aad ubadan kadib.

Guud ahaan Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yahay mid aad looga feejignaaday waxaana la arkaya ciidamada dowladda oo gaadiidka dagaalka wata oo laamiyada Muqdisho dhex wareegaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here