Magaalada Muqdisho oo maalinkii 2-aad kala xiran

Magaalada Muqdisho ayaa maalinkii 2aad waxaa ka socda howlgal saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Wadooyinka Maka Al-mukarama iyo Wadnaha, ayaa ah wadooyinka sida rasmiga ah u xiran oo aaneey gaadiidka shacabka iyo kuwa Xamuulkaba mari Karin marka laga reebo kuwa doowlada iyo AMISOM.

Waxaa la diiday in gaari aan aqoonsi gaar ah lahayn, ama aan ahayn kuwa doowlada in uu sheeg dhaqaajiyo, taasoo keentay in dad farabadan ay cagtooda maalaan iyagoo qaarkood u socday masaafo dheer.

Ardayda Jaamacadaha iyo Iskuulada dhigta ayaa ah kuwa ugu badan ee ay saameysay wadooyinka maalinkii 2aad xiran, waxaana saakay la arkayay Arday farabadan iyo macalimiin lug ku tagaya goobahooda waxbarasho, iyadoo qaarkoodna ay masaafo dheer lugeeynayeen.

Maamulka gobolka banaadir, ayaa iyagu horay u sheegay in wadooyinka ay u xireen kadib markii ay soo gaareen fariimo ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheeynayaan ineey weeraro khasaaro badan dhaliya ka geystaan qaybo Muqdisho kamid ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here