Magaalada Muqdisho oo laga bilaabay in wadooyinka ku burburay dagaalada dayactir lagu sameeyo.

Dowlada kumeelgaarka ah ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho dayactir lagu sameynayo waddooyinka ku burburay dagaalada.

Mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ayaa maanta waxaa dhagax tirey madaxweynaha Sheekh Shariif  iyadoo wadada dayactir lagu samayn doono.

Munaasabadii dhagax dhigga ayaa hadal gaaban oo uu ka jeediyey madaxweynaha waxa uu sheegay in ay muhiim tahay dayactirka wadooyinka Muqdisho dowladuna ay diyaar u tahay inay wax ka qabato wadooyinka ku burburay dagaalada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo ka qeybqaadanaya dayactirka wadadan.

Wadadan dayactirka laga bilaabay oo caan ku ah magaca Nasiib Buundo ayaa dayactirkeeda waxa ay ku soo beegantay xilli nadaafad laga bilaabay wadada dheer ee dhex marta degmada Wadajir iyadoo maanta lagu arkayay boqolaal shaqaale rag iyo dumarba isugu jira oo wadada ka qaadayay caradda iyo wasaqda dhex degtay.

Munaasabada dhaga dhigga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa warbixina ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxana uu Tarzan sheegay in ay ka go’an tahay in lagu soo celiyo magaalada Muqdisho bilicdii ay caanka ku ahayd.

Wadada haatan dayactirka laga bilaabay ayaa waxa ay ka mid ahayd deegaanadii sida xoogan ay ugu dagaalameen ciidamada dowlada oo garab ka helaya ciidamada Amisom iyo ciidamada ururka Alshabaab.

Waxaana horumarka ka muuqda magaalada Muqdisho maanta ku biirtey iyadoo gacanta dowlada la geliyey dugsigii sare ee Farsamada iyadoo qoysaskii degenaa ay ka guureenmarkii ay dowlada ka codsatay inay baneeyaan dhismahaas si dayactir loogu sameeyo.