Xaaladda magaalada Burco oo saaka degan

Boqolaal qof oo dibad-baxyo ka dhigay magaalada Burco Isniintii
Boqolaal qof oo dibad-baxyo ka dhigay magaalada Burco Isniintii

Kaddib markii shaley dibad-baxyo rabshado wata ay ka dhaceen magaalada Burco ee gobalka Togdheer, waxaa saaka la soo sheegayaa in ay xaallada degan tahay.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena wuu dhaawacmay dibad-baxyadii shaley, kaddib markii askar ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland ay rasaas ku fureen wadayaasha gaadiidka dhismaha oo dibadbax ka sameynayay xarunta dowladda hoose magaalada Burco.

Dadka ku dhaqan magaalada Burco ayaa saaka sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay isla markaana isku socodka iyo gaadidka uu caadi ku soo noqday.

Isku soo duub, waxaaa la sheegayaa in darwalada iyo maamulka gaadiidlayda dibadbaxa sameyneysay ayaa ka cabaneysay amar ka soo baxay maamulka Burco oo ka mamnuucayay inay ciidda dhismaha ka soo guraan meel u dhaxaysa buundooyin ku yaalla magaalada.

Waxaa magaalada saaka la sheegayaa in ay ku soo fool yihiin xubno ka socda maamulka Somaliland kuwaasoo ka imaanaya magaalada Hargeysa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here