Magaalada Boosaaso oo lagu toogtay 13-dhallinyaro ah

Waxaa Saaka aroortii Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, hal goob si wada jir loogu toogtay 13-dhallinyaro ah oo qof haweeney ah ay ku jirtay.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa saxaafadda u sheegay in qaar ka tirsan maxaabiista maanta la toogtay ay ka dambeeyeen dilkii Sanadkii 2011 loogu geystay magaalada Boosaaso Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo dilkii

Waxaa kaloo ay saraaskiisha maamulka Puntland horey ugu eedeeyey dadka la toogtay iney ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, isla-markaana ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah.

Kooxda toogashada u qaabilsan maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Puntland ayaa 13-ka qof oo ay ku jirtay haweeney ku toogtay magaalada Boosaaso.

Toogashada ayaa lagu soo warramayaa inay u dhacday qaab qarsoodi ah. waxaa kaloo ku dhintay askari ka tirsan ciidanka Puntland oo wax ka fuliyay toogashada, kaddib markii ay ku dhaceen qaar ka mid ah xabbadihii dilka lagu fulinayay.

Waa markii ugu horeysay ee Maamulka Puntland uu dil toogasho ah ku filiyo tiro dad ah oo ka badan toban qof, inkastoo ay jireen shakhsiyaad lala xiriirinayo Ururka Al-Shabaab oo lagu toogtay deegaamo ka tirsan Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here