Magaalada Baydhabo oo waa cusub saakay ku waabariisatay kadib bixitaanki Al Shabaab.

Magaalada Baydhabo oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowlada oo garabsanaya ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waa cusub ugu baryey iyaga oo ka madax banaan ururka Al Shabaab oo mudo sadex sana ah maamulayey magaalada.

Waxaa caadi ah saakay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyada caruurta ay aadeen malcamadaha qur,aanka, halka Ardayda Iskuuladana ay ka nasanayaan waxbarashada maadaama ay tahay maalin Khamiis ah.

Magaalada waxaa xalay ka dhaqan galay bandow ay kusoo rogeen ciidamada dowlada kaasi oo bilowday xalay fiidkii.

Saraakiisha dowlada ayaa sheegay in muhiimadooda koowaad ay tahay sidi ay u sugi lahaayeen amaanka iyo in aysan magaalada ka dhicin aargoosi qabiil.

Xildhiban Maxamed Ibraahim Xaabsade oo hogaaminaya madaxda dowlada ee shalay tagtay magaalada Baydhabo ayaa u balan qaaday shacabka reer Baydhabo in aysan dhici doonin wax dhib ah, isaga oo ka codsaday in ay la shaqeeyaan.
“Waxaan xooga saareynaa nabadgalyadooda iyo amnigooda, waxaan balan  qaadeynaa in uusan dhicin wax aar goosi ah, sidoo kale kuwa Shabaabka ah hadii ay isa soo dhiibaan waan nabad gelineynaa,” ayuu yiri.

Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegayaa in ay u baxeen dhanka deegaanka Idaale iyo degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa ah magaalo Istaraatiiji ah, waxaana ay qabsashadeeda ku tahay dharbaaxo weyn ururka Al Shabaab oo mudo sadex sana ah gacanta ku hayey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.