Madoobe Nuunow: Warbixinta ay hada soo saareen Bankiga Aduunka anaga 2010 ayaan heynay

Madoobe Nuunoow oo ay xildhibaanada qaar u ictiraafsanyihiin inuu yahay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in sanadki 2010 ay hayeen xogta ah in dowlada KMG ay lunsatay lacago fara badan.

Todobaadki hore ayaa Baanka Aduunka soo saaray warbixin ku saabsan lacago la la,yahay meel ay ka baxday oo horay loogu deeqay dowlada KMG Soomaaliya taasi oo la leeyahay waa la lunsaday.

Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo arintaasi ka duulaya ayaa carabka ku dhajiyey in ay hayaan daliilo muujinaya in uu jiro musuq maasuq lagu sameeyey lacago ku jiray bankiga dhexe.

“2010-ki ayaa gudiga maaliyada ee baarlamaanka arintaasi soo saaro oo uu maxkamada sare u gudbiyey waan taasi arinti lagu afduubay baarlamaanka dacwadaasina sidaasi ayey aheyd, anigana waa ley soo gudbiyey marka lacagaha la lunsaday ee ka maqan banhiga dhexe ee dowlada waa mid aan dareensaneyn si gaar ah ayaana loogu tagri falay,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiyey in ay cilad u raadinayaan dowlada maadaama ay ku kacsanyihiin ayuu ku jawaabay.

“Cilad ma raadineyno waxa waaye arintaan lacag lunsashada waa arin mor hore taagnay ilaa iyo sanadki 2010, mid kale waxa weeyaan anaga hadii aysan dhaxdeena wax ka jirin arintaasi ma imaan laheyn Bankiga Aduunkana war bixin kama uusan soo saareyn,”

Madaxda dowlada ayaanan wali si cad uga hadlin arintaasi, waxaana haatan socdo baaritaano ay wali wadaan dalalka deeqaha bixiyo ee saaxibka la ah Soomaaliya iyo bankiga aduunka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.