Madoobe Nuunow oo shardi ku xiray wada hadalo uu la galo Shariif Xasan

XIldhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed oo ay mudanayaasha baarlamaanka qarakiis u doorteen gudoomiye ayaa shuruud ku xiray wada hadalo uu la galo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadal uu saxaafada siiyey ku sheegay in howlaha ay wadaan baarlamaanka qaarkiis sida doorashada madaxweynaha iyo xilalki ay soo qaadeen ay yihiin kuwo sharciga baal marsan.

Hase yeeshee Madoobe Nuunoow oo saakay wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in arrinta kaliyah ee ay kula hadli karaan Shariif Xasan ay tahay isaga oo garwaaqsada xil ka qaadisti lagu sameeyey sanadki hore.

“Xildhibaan Shariif Xasan waa inuu aqbalaa in xilka laga qaaday hadii uu taasi ogolaado kadib waan wada hadli doonaa,” ayu yiri Madoobe Nuunoow.

Xildhibaanada uu wato Mr. Madoobe ayaa horay xilka uga qaaday madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka iyaga oo iclaamiyey in dhamaadka bishaan ay Muqdisho ku qaban doonaan doorashada madaxweynaha.