Madoobe Nuunoow: Warqadi madaxweynaha ma aheyn amar ee waxa ay aheyd talo

Xildhibaanadi xil ka qaadista ku sameeyey gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku adkeysanaya in Shariif Xasan uusan aheyn gudoomiye.

Xildhibaan Madoobe Nuunoow oo ah mudane ay 13-ki bishaan u doorteen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka inuu noqdo shir gudoomiye ku meel gaar ah ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn Sharif Xasan, waxa kale oo uu diiday warqadi kasoo baxday madaxweynaha ee ku amreysay mudanayaasha in ay shaqadooda wataan.

Madaxweyne Shariif ayaa soo saaray todobaadkaan wareegto ka koobneyd sadex qodob, warqadaasi waxay si dadban u nasaqeysay go,aanki xildhibaanada ku gaareen in xilki ay ka qaadeen Mr Shariif Xasan, waxaana ay ku amartay mudanayaasha in ay howshoosa caadiga ah qabsadaan.

“Warqada madaxweynaha ma aheyn amar baarlamaanka la siiyey ee waxay aheyd talo, xildhibaanada gaaraya 283 mudane ee ka tirsan baarlamaanka ayey  u taalaa aqbalaadooda iyo in ay diidaan,” ayuu yiri Mr Nuunoow oo saakay la hadlay BBC-da.

Shariif Xasan ayaa hada ku maqan magaalada Garoowe kadib marki uu shalay ka dhoofay Muqdisho, waxaana isaga oo ku hadlayo magaca baarlamaanka uu uga qeybgalaya shirka wada tashiga oo maanta la filayo inuu ka furmo magaalada Garoowe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.