Madoobe Nuunoow oo marki ugu horeysay saakay shir gudoominaya Baarlamaanka

Ninka ay todobaadki hore xildhibaanada baarlamaanka qaarkood u doorteen gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa saakay kulan dag dag ah isugu yeeray mudanayaasha.

Mr Nuunoow oo lagu wado inuu shir gudoomiyo baarlamaanka marki ugu horeysay tan iyo marki la doortay ayaanan la ogeyn waxa uu soo hor dhigi doono kulanka, sidoo kale lama oga ajandayaasha lagu falan qeyn doono.

Xildhibaan C/rashiid Gabyoow oo goor dhaweyd la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xalay si dag dag ah loo soo war geliyey mudanayaasha in ay soo xaadiraan kulanka oo ka dhacayo Guriga Umada ee magaalada Muqdisho.

Lama oga in mar shanaad uu ka dhici doono baarlamaanka dagaal iyo feer, iyadoo la xusuusto in afar jeer oo hore ay xildhibaanada feer iyo gacan ka hadal ku dhameysteen kulamadooda.

Kulanki ugu danbeeyey ee baarlamaanka waxa lagu dhaawacay ilaa iyo 7 mudane kuwaasi oo loo geystay daqaro iyo dhaawacyo kale oo uu ku jiray jabniin marki lagu garaacay kuraas iyo alwaaxyo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.