Madoobe Nuunoow: Madaxweynaha wali ma ii hambalyeynin beritana waxaan la balansanahay AMISOM (SAWIRO)

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo caawa bixiyey wareysigi ugu horeeyey oo ay la yeelatay BBC-da ayaa ka hadlay daruufihi lagu doortay iyo waxa hada u qorsheysan.

Mr Nuunoow ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu yahay nin leh aragtidiisa gaarka ah balse uu rajeynayo inuu aqbali doono go,aanka baarlamaanka ay qaateen maanta oo ay isaga ugu doorteen gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

“Waxaan aaminsanahay in madaxweynaha aqbali doono hadi ALLE idmo, koleey wuxuu leeyahay aragtidiisa gaarka ah”

Su,aashi ugu xasaasisaneyd ee la weydiiyey ayaa aheyd sida uu u arko heshiiski Kampala, qodobadi kasoo baxay shirki Garoowe ee iyo arinta geedi socodka Soomaaliya ee Roadmap ayuu sheegay in arimahaasi oo dhan aysan shaqeyn doonin hadii aanan la hor keenin baarlamaanka.

“Runti waxa weeyaan Roadmap iyo shirki Garoowe waxaa la rabaa in la horkeeno Baarlamaanka si uu u guto waajibaadkiisa, hadii aanan la keenin waxaa la hareer maray sharciga dalka taasina ma dhici karto, anaga waxaan heysanaa kalsoonida shacabka marka cidna xilka nagama qaadi karto, qaabeynta baarlamaanka wuu socdaa xilka gudoomiyaha ayaan ka qaadnay, waxaa loo gudbayaa xubnihi baarlamaanka sidaasi ayuuna ku soconayaa” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey rabshadihi ka dhacay maanta fadhigi baarlamaanka ayuu ku adkeystay in xiligaasi uu ku maqnaa dibada, balse hada wixi ka danbeeya uu qaadanaayo mas,uuliyada wixi ka dhaca baarlamaanka.

Gudoomiyaha cusub waxaa la weeydiiyey in AMISOM ay siisay ilaalo gaar ah iyo in kale waxaana uu ku jawaabay: “Weey i yimaadeen laakin AMISOM waxaan ku balansanay in aan berito kulano markaas ayaan wada hadli doonaa”.

Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa galabta waxaa gabaldhici u doortay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka xildhibaanadi xilka ka qaaday bishi hore gudoomiyihi hore Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Halkaan ka daawo sawiradi kulanki lagu doortay Mr Nuunoow ee baarlamaanka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.