Madaxyo la jaray oo laga soo tuuray daaqadaha Beach View

Beach View Hotel
Beach View Hotel

Mid kamid ah saraakiisha laamaha amaanka DF oo ku sugan Agagaarka Beach View, ayaa goordhow warbaahinta u sheegay in daaqaha Hotelka laga soo tuuray madaxyo la gooyay.

Waxa uu sheegay inuu u maleeynayo in dagaalyahanada qabsaday Hotelka, ay madaxa ka jareen 3 ruux oo sida la sheegay kamid ahaa dadkii shacabka ahaa ee ay ku qabsadeen gudaha Hotelka.

Dhanka kale wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalyahanada gudaha u galay Hotelka ay damiyeen dhamaan leerarkii Hotelka, taasoo ciidamada Doowlada ee gurmadka u tegay halkaas u saamixi la’ ineey gudaha u galaan Hotelka.

Wixii warar ah waan idiin soo gudbin doonaa.

1 COMMENT

  1. ه inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
    inti dhimatay allaha u naxariisto inta dhaawacan allaha caafiyo, shacabkeenu waa ineey fahmaan in shayaadiintaanu aysan qofna ka tageyn ,waa cadaw umada soomaaliyeed loo soo diray marka waa inaan fahano inaan dhamaanteen meel uga soo wada jeesano dabar goynta cadawgaan alle iyo rasuul ka dheeraaday baneystana dhiiga ummadda soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here