Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulahi Yuusuf Axmed oo goor dhow lagu aasay Galkacyo

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow lagu aasay magaalada Gaalkacyo  Madaxweynihii hore Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

Aaska Madaxweynihii hore oo ka dhacay Waqooyiga Galkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Shariif, Ra’isal wasaare C/wali, Madaxweynaha Puntland, madaxweynihii hore ee Soomaliya Cali Mahdi Maxamed,Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Maamulka Galmudug, Xubno ka socday Ahlusuna iyo dadweyne fara badan.

Sidoo kale waxaa aaska ka qeyb galay Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo saaka la socday diyaaradii Meydka ka soo qaaday Imaaraadka Carabta.

Allaha u naxariistee Marxuum C/llaahi Yuusuf waxaa iilka loo dhigay qabri loo diyaariyay oo ku yaala qabuuraha Magaalada Galkacyo, iyadoo munaasabada aaska qaran ay si heer sare ah u dhacday.

sidoo kale waxaa aaska ka qeybgalay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Agoustina Mahiga oo isaga laftiisa salaada wax ka tukaday iyo boqolaal ruux oo ku nool magaalada Gaalkacyo.