Madaxweynihi Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il oo geeriyooday

Telfashinka Waqooyiga dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay goor dhaweyd oo saakay ah in uu dhintay hogaamiyihi dalkaasi Kim Jong-il, kaasi oo North Korea xakumay tan iyo sanadki 1994.

Kim Jong-il ayaa da,diisu aheyd 69 jir, waxa la sheegay in uu ku dhintay tareen dhaxdiisa isaga oo booqanayey deegaanada ku yaala banaanka caasimada Sabtidi lasoo dhaafay, sida ay saakay ku dhawaaqday gabar warka ka aqrineysay TV-ga qaranka taasi oo ku dhawaaqday iyada oo xiran dhar madoow isla markaana ooyeeysa.

Sanadki 2008 ayuu galay xaalad qatar ah marki uu masaxda dhiig uga furmay waxaana laga waayey xafiiska iyo goobaha muhiimka ah ee ay dadka ka arki jireen mudo bilooyin ah.

Wiilkiisa Kim Jong-un oo hada ku jiro da,da labaatameeyada ayaa lagu wadaa inuu kala waregeo talada.

Aaskiisa ayaa lagu wadaa in 28-ka bishaan uu ka dhaco magaalada Pyongyang waxaana loo saaray gudi sare oo soo qaban qaabiya aaska sida ay ku warantay wakaalada wararka dalkaasi ee KCNA.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.