Madaxweynihi hore ee Somalia C/laahi Yusuf oo ka guuray dalka Yemen

Madaxwwynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed oo magangalyo siyaasadeed ku joogay dalka Yemen ayaa la sheegay inuu ka guuray sababo dhinaca amniga ah aawadeed.

Mr. Yusuf oo ka daganaa qasri ku yaala magaalada Sanca oo ay siisay dowladi Cali Cabdalla Saalix ee todobaadkani ugu danbeysay xakunka ayaa la sheegay inuu u guuray dalka Ethiopia.

Ilo wareedyo diblamaasiyadeed oo ku dhaw dhaw C/laahi Yusuf ayaa sheegaya in uu go,aansaday inuu ka tago Yamen marki ay dhacday dowladi Cali Cabdalle Salix oo uu saaxib la ahaa.

C/laahi Yusuf ayaa dagay dalka Yemen sanadki 2009 markaasi oo ay beesha caalamka ku qasbeen in uu xilka madaxweynaha ka dago, kadib marki ay isku dhaceen ra’isulwasaarihi Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Dowlada Itoobiya oo iyana saaxib la aheyd in muda ah Madaxweyne Yusuf ayaa la sheegayaa in ay ka aqbashay codsi uu u dirsaday si uu ugu noolaado magaalada Adis Ababa oo hada ah magaalada ugu nabadoon dalalka Geeska Africa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.