Madaxweyne Xasan & Wafdigiisii oo Dalka Kusoo laabtay

Madaxweynaha oo gaaray Caasimada Faransiiska ee Paris
Madaxweynaha oo Dib ugu laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Mudane Xasan shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta oo Jimco ah waxay dib ugu soo laabteen dalka kadib Shirkii ay kaga soo qeyb galeen Dalka Denmark.

Madaxweynaha iyo Wafdiga la socday ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade airport ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo wafdigaasi qeyb ka ahaa ayaa waxa uu saxaafada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isagoo ka warbixiyey shirkii ay kaga qeyb galeen Magaalada Copenhegan ee dalka Denmark.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in waxyaabo badan ay guul kaga soo gaareen Shirkaasi isagoo tibaaxay in shirka ay xubnihii ka qeyb galay ay amaan ujeediyeen Dawlada Federaalka Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXIN AAN IDIIN DIYAARINAY

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here