Madaxweyne Xasan: Waa la joogteynayaa wadahadallada Somaliland

Xasan-Sheekh-Maxamuud-300x222Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la sii joogteeyo wadahadallada ay kula jirto maamulka Somaliland, si loo mideeyo ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay jiraan kulamo kale oo loo ballamay si ay u sii socdaan wadahadallada labada dhinac, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay kulamadaas keenaan isku soo dhowaansho.

Labada dhinac waxay kulmi doonaan saddexdii biloodba mar sida uu xaqiijiyay madaxweynaha.

Dhinaca kale, madaxweynaha oo xalay khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa sheegay inay dowladdu wanaajineyso xiriirka kala dhaxeeya maamulka Puntland, si loo gaaro hadafka dowladda Soomaaliya ee ah hirgelinta nidaamka federaalka ah.

Wuxuu maamulka Puntland ku amaanay kaalintii uu ka qaatay ka bixistii xilligii kumeel gaarka ahaa, isagoo ballan-qaaday inay si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonaan maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here