Madaxweyne Xasan Shiikh: “Raali kamanihin in qaxootiga Soomaaliyeed ay lamid noqdaan qaxootiga reer falastiin”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, oo shalay kulan laqaatay Jaaliyada Soomaaliyeed eek u nool wadanka Kenya ayaa arimo badan uu Jaaliyada kala hadlay waxaa kamid ahaa sidii ay isaga kaashan lahaayeen Dib u dhiska dalkooda, islamarkaasna waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyinka maalmihii danbe soo gaarayay Jaaliyada Kunool Kenya.

Madaxweyne Xasan Shiikh, waxa uu sheegay in Xeryaha qaxootiga wadanka Kenya oo ay Soomaalida kujiraan uusan raali ka ahayn ineey lamid noqdaan kuwa dalka Falastiin oo kale.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dhibaatooyinka Soomaalida ku haysata dalka Kenya waxa uu yiri: “Waxaan ka hadalnay dadkeena boqolaalka kun ah ee Xeryaha qaxootiga kujira, waxaana doowlada Kenya u sheegnay waxa aan ugu jecelnahay ineey tahay dadkaasoo soo noqday oo dalkooda kusoo laabtay”.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in soo noqoshada dadkaas ay masuuliyad ka saarantahay doowlada Soomaaliya, waxa uu sheegay in doowlada uu hogaamiyo ay qaxootiga Soomaaliyeed ee hada lagu dhibateeyay Kenya ay u diyaarineeyso dhul iyo hooy ay kusoo laabtaan, islamarkaasna ay amni, waxbarasho, iyo shaqooyin ku heli karaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh, oo shalay qudbad qiiro galisay Jaaliyada Soomaaliyeed ujeediyay, ayaa dhanka kale sheegay in doowlada Kenya ay kula heshiiyeen iskuna afgarteen, in qaxootiga Soomaaliyeed ee hada ku jira Xeryaha dalkaas lagu Soo celiyo dalkooda hooyo.

“Ma dooneeyno Mukhayamaadkii Falastiiniyiinta ay ku lahaayeen Lubnaan ee 60-ka Sano iyo 50-ka sano jiray, ineey Xeryaha Dhadhaab iyo Ifo oo kale ay noqdaan” ayuu yiri madaxweynaha oo shalay qudbad ujeedinayay qaar badan oo kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Dhanka kale madaxweynaha waxa uu carabka ku adkeeyay in doowladiisa ay dadaal Ballaaran ugu jirto baabi’inta Xeryaha qaxootiga, Burcad-badeedda iyo Al-shabaab oo iyagu la bahoobay Al-qaacida, madaxweynaha ayaa sheegay in sadexdaan arinba hada Soomaaliya ay Caan ku noqotay, sidaa darteedna loo baahanyahay in dib loosoo celiyo Sumcadii ay Soomaaliya ku lahayd dunida.

“Qaraxa islii ka dhaca waa iiga Xanuun badanyahay Kan Muqdisho ka dhaca” sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Gabagabadii, madaxweynaha waxa uu Jaaliyada Soomaaliyeed u sheegay in doowlada Kenya ay ka warqabto in Shabaab aysan Soomaalida oo kaliya ka tirsaneen ay meel walbo dad ku leeyihiin, sidoo kale madaxweynaha waxa uu qiray in tirade dadka Isqarxiyay gudaha Soomaaliya Taariikhda inta laxasuusto ay u badanyihiin dad ajaanib ah, sidaas darted waxa uu sheegay ineeysan jirin sababloo beegsado Soomaalida marka uu qarax dhaco.

Halkaan ka daawo Sawirada kulanka Madaxweynaha iyo Jaaliyada:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here