Madaxweyne Xasan Shiikh oo xalay ku hoyday Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii xilkaasi loo doortay waxaa booqasho uu ku joogaa magaalada Garowe, ee maamul goboleedka Puntland, waxaana uu halkaas wadahadalo kula leeyahay madaxda maamulkaas.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa waxaa madaxtooyada Cusub ee maamulka Puntland casho sharaf ugu sameeyay madaxweyne C/raxmaan Faroole.

C/raxmaan Faroole, oo ka hadlay munaasabada casho sharafta, ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa ay diyaar uyihiin la shaqaynta doowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana ereyadiisa kamid ahaa.

“Magaca Soomaaliyeed maanta doowlada Federaalkaa sida, Caalamku waa aqoonsaday, anaguna waa aqoonsanay, halkaan waxaa noogu yimid Ra’iisul wasaarihii, maantana madaxweynihii baa nala jooga, wada shaqayntu waa waxa loo baahanyahay, waxyaabo dastuuri ah baa jira waxaana kamid ah, puntland waxay dastuurka Federaalka iyo keedaba xaq ugu leedahay inta doowladihii kale dhismayaan ineey dastuurkeeda wixii ku qoran kusii socoto, iyadoo saas ah oo ay xuquuq dastuuri ah jirto baanaan misana oraneeynaa inaan gacan ka geeysano wax kasta oo loo baahanyahay ineey dhismaan”.

Dhanka kalemadaxweyne Xasan Shiikh, oo isna ka hadlay xafladii Casho sharafta xalay ka dhacday madaxtooyada Puntland, ayaa waxa uu ka hadlay oo uu sharaxaad ka bixiyay arinta shirka Caalamiga ah ee Soomaaliya islamarkaasna lagu qaban doono bisha soo socota magaalada London.

“Bisha May 7-deeda London shir baa lagu qabanayaa, shirkaasi Soomaaliya ayuu ku saabsanyahay, Soomaaliyaa lagu heshiisiinaya maaha, Soomaaliyaa doowlada loogu dhisayaa maaha, laakiin Soomaaliya wixii ay qabsatay side loo taageeraa oo ay horay loogu sii mariyaa waaye muhiimada ugu weyn , shirkaasi faa’iidooyinka uu leeyahay waa ay badanyihiin, Soomaaliya ayuu wajiga Caalamka kusii celinayaa horumarka ay gaartayna waa lagu bandhigayaa” ayuu yiri madaxweynaha doowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud.

Hadaba maanta ayaa la filayaa in madaxweyne Xasan Shiikh iyo C/raxmaan Faroole ay kulamo dheeraad ah yeeshaan, iyadoo saacadihii lasoo dhaafaynya ay labada masuul lahaayeen kulamo gaar gaar ah oo ay Saxaafadu dibad joog ka ahayd.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here