Madaxweyne Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Washington

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo, aya xalay garoonka diyaaradaha Washington waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay masuuliyiin katirsan doowlada Mareykanka iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan.

Maxamed Cabdi Maxamed, oo kamid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas madaxweynaha kusoo dhoweeyay ayaa mar uu BBC-da lahadlayay waxa uu sheegay in madaxweynaha xalay nuu halkaas gaaray islamarkaasna uu kulamo la qaadan doono masuuliyiin katirsan Mareeykanka.

“Madaxweynaha halkan ayaa looga yeeray, imaanshihiisana waxa ay quseeysaa inuu lakulmo madaxda ugu sareeysa Mareeykanka” ayuu Maxamed usheegay BBC-da.

Maxamed waxa uu sheegay in saraakiil kasocota Aqalka Cad ee Mareeykanka ay madaxweynaha kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Washington.

Wafdiga gaaray mareeykanka ayaa waxay ka koobanyihiin 8 Xubnood waxaana ugu horeeya madaxweynaha iyo wasiirada arimaha dibadda iyo wasiirka warfaafinta Kaalmooy.

Wafdiga madaxweynaha ayaa masuuliyiinta ugu muhiimsan ay kulamada la qaadan doonaan waxaa kamid ah masuuliyiin katirsan wasaaradaha arimaha dibada Mareeykanka iyo tan Gaashaandhiga, sidoo kale madaxweyne Xasan Shiikh ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato madaxweynaha Bangiga Aduunka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu qaabili doonaa dad farabadan oo isugu jira Siyaasiyiin katirsan Mareeykanka iyo Jaaliyadda Soomaalida ee halkaas ku dhaqan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here