Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay inaan loo baahneyn ku dag dagida dhaqan galinta Federalisimka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta sheegay inaan loo baahneyn in lagu dag dago dhaqangalinta nidaamka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in loo baahanyahay in waqti iyo dadaal farabadan lagaliyo, si uu nidaamkaas u guuleysto mustqbalka, hadalkaan ayuu madaxweynaha ka sheegay furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamanka Soomaaliya, oo maanta magaalada muqdisho ka furmay.

Madaxweynaha oo ugu horeyn hadakiisa ku bilabay hanbalyo iyo bogaadin uu usoo jeediyay xubnaha baarlamaanka Soomaaliyaiyo guulihii ay ka gaareen waxyaabihii ay qabteen kalfadhigii 1aad ee baarlamanka, waxaana uu madaxweynaha carabka ku adkeeyay in xiligaan ay baarlamaanka hor taalo howshii ugu cusleyd oo ah hirgalinta nidaamka Federaaliisimka, oo uu sheegay in loo baahanyahay in si xeeldheer looga fiirsado, oo aan lagu dag dagin meel marintiisa.

Dhageyso Khudbada Madaxweyna 

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/03/fedraalka.mp3″]

 

“Waxyaabaha arinta Federaaliisimka nooga baahanyahay waxaa kamid ah waqti in lasiiyo, oo aaneey noqonin kusoo bood, waxa aan ka hadleeyno waa mustaqbalka dadka iyo dalkiisa, ogaada geedkii roor lagu koro rooraa looga soo dagaa, Federaal dalka inaan kadhigno waqti ayay nooga baahantahay, juhdi iyo dadaal dheeri ayay nooga baahantahay, Soomaaliya oo nabad ahna waxaa naga xiga, dadaalkaas iyo Juhdigaas…” ayuu yiri madaxweynaha oo maanta hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhigii 2 aad ee baarlamanka.

Wadahadalada Somaliland:

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in horumar ay ka sameeyeen dhinaca dib u heshiisiinta, waxaana uu xusay ineey dadaal dheeri ah galiyeen wadahadaladii ay doowladii KMG ahayd la bilaawday Somaliland, islamarkaasna ay jiraan waraaqado qoraal ah oo ay isdhaafsadeen madaxda Soomaaliland iyo doowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana uu madaxweynaha intaas ku daray iney geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonaan midnimada Soomaaliya.

“…Wadahadalka bilaawday sanadkii hore eel ala galay Somaliland, anagana horay ayaan usii wadnay, waxaa jiro warqado qoraal ah oo aan is dhaafsanay madaxda Somaliland…” ayuu yiri madaxweynaha oo soo hadalqaaday wadahadalada Somaliland.

Ugu danbeyntii madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud, ayaa soo hadalqaaday doorashooyinka lafilayo ineey dhawaan ka dhacaan dalka Kenya, waxaana uu doowlada Kenya u rajeeyay ineey si nabadgalyo ah u dhacaan doorashooyinkaas.

Madaxeynaha ayaa sidoo kale sheegay” Siyaasadda Dowladda waxaa ka mid ah soo celinta haybadii iyo xiriirkii iskaashiga Soomaaliya iyo dibedda waxaana la booqday dalal badan, waxaana isfaham istaageersi ah la soo yeelanay dalalkaas iyo Dalalka Deriska ah. Wuxuu wada hadalkeena saldhig u ahaa sidii loo aabuuri lahaa jawi nabadeed iyo is-faham si wax wada qabsi wanaagsan looga dhex abuuro dhamaan shacabka Geeska Afrika. Waxaana dalalkaas uga mahad celinay kaalmada walaalnimo ee ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in si gaar ah ay ula kulmeen Dowladda Maraykanka iyo tan Ingriiska waxeyna balan qaadeen in ay Soomaaliya garab taagan yihiin ayna ka saacidi doonan dhinac kasta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bisha May uu dhici doono shirweyne loo qaban doono Soomaaliya loogana hadli doono arimaha Soomaaliya. Dhanka kale Soomaali-Land wada hadalkii lala bilaabay wuu sii socon doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here