Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in wax laga badali doono dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxmuud oo shalay ka qayb galay soo xiritaanka kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka, islamarkana hadal kajeediyay ayaa waxa uu sheegay in xukuumada ay isbadal ku samayn doonto qodobo kamid ah dastuurka.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa golaha baarlamanka ugu baaqay ineey dib ugu laabtaan qodobo kujira dastuurka Soomaaliya, kaasoo ay kujiraan qodobo aad loo dhaliilsanyahay, madaxweynaha ayaa sheegay in qodobo kabadalista dastuurka aysan beesha Caalamka wax shuqul ah ku lahayn iyagana ay leeyihiin aaya ka talinta dalka iyo dadka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xubnaha katirsan baarlamaanka ee fasaxa galaya ugu baaqay in xilibaan walbo uu aado deegaankii iyo degmadii laga soo doortay, islamarkaasna ay dadka kasoo dhaadhiciyaan ka qayb qaadashada nabadda iyo horumarka.

“Waxaan ku dhiiro galinaa xilibaanada ineey booqdaan deegaanadii laga soo doortay, si ay dadka deegaanka ugula qayb qaataan faafinta nabadda iyo horumarka dalka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

“Xukuumadda waxay muhiimada koowaad siin doontaa amaanka, baarlamaanka iyo xukuumadda waxaa waajib ku ah ineey wax kabadalaan qodobo kujira dastuurka, Soomaaliyana waxay ubaahantahay waqti si loo dabaqo Federaaliisimka” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo hadalka sii wata waxa uu yiri: “Doowladaha Caalamka, Ciidamada Shisheeye iyo kooxo yar oo meelo qarsoodi ah ku shiray mujtmaca Soomaaliyeed kuma qasbi karaan waxaysan rabin”.

Doowlada Soomaaliya ayaa hada waxaa sal u ah dastuur KMG kaasoo la aas aasay 1 Augosto 2012.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here