Madaxweyne Xasan Shiikh, oo sheegay in Garsoorka Soomaaliya u baahanyahay dib u habeyn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in garsoorka Soomaaliya u baahanyahay dib u habeyn, madaxweynaha ayaa dhaliilay qaar kamid ah xukunada ay qaadeen maxkamadaha, kadib markii uu maanta magaalada Muqdisho kula kulmay ilaa iyo 60 garsoore.

Inkastoo uu madaxweynaha Carabka ku dhuftay in garsoorayaasha kusoo shaqeeyeen duruufo adag wuxuu dhanka kale kula dardaarmay ineey ka fogaadaan cadaalad darro, ama in ay qolo gaar ah u shaqeeyaan, isagoona ku dhaaraaday sidii loo sixi lahaa qaybaha adeega garsoorka, waxaana uu sheegay ineey muhiim tahay in cadaalada dadka oo dhan ay u sinaadaan.

Madaxweynaha ayaa xusay in eedeeymaha loo jeedinayo adeega garsoorka ay qaarkood wax kajiraan, wuxuuna tusaale usoo qaatay kiiska sii deynta ninkii ku eedeysnaa dilka shaqaalihii ka tirsanaa hay’ada MSF oo uu ugeystay magaalada Muqdisho, oo qaar katirsan garsoorayaasha ay sii daayeen, wuxuuna madaxweynaha cadeeyay in sii deyntaasi saameyn ballaaran ku yeelatay dhamaan howlihii Caafimaadka hay’ada MSF ka waday gobolada koofureed iyo bartamaha Soomaaliya.

“Garsoorka dib u habetn rasmi ah in lagu sameeyaan rabnaa, oo uu noqdo mid ay dadweynaha Soomaaliyeed ku kalsoonyihiin, Caalamkuna uu ku kalsoonyahay, cidna qaas uma ahan garsoorka ee dadka ku nool wadankaan oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa, ajnabi leh gaal leh, muslim leh, nuuc walbo leh ayuu ku dabaqmayaa, marka waxaa nagala rabaa in garsoor Caalamka iyo umadda Soomaaliyeed ku qancaan aan samayno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaalad darada ay sababaan hay’adaha garsoorka ay hormuud u noqdaan dhibaato soo wajahda dad masaakiin ah oo iska dan yaraa, waxaana uu tusaale ahaan usoo qaatay sii deynta ninkii dilay shaqaale ka tirsanaa hay’ada MSF oo lasii daayay, taasoo keentay in hay’ada MSF ay shaqaalaheeda kala baxda dhamaan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoona hay’ada ay howlo caafimaad oo xoogan ka waday isbitaalo ku yaal meelahaas, sidaa daraadeedna ay kumanaan qof daawo iyo daryeel caafimaad la’aan lasoo daristay.

“Subixii ninkaas lasii daayay isbitaalo dhan oo dalkaan ku yiilay oo shaqeeynayay dadkana lagu qalayay laguna daweynayay, kaalmo rasmi ah lacag la’aan ah loogu hayay, ayaa hal subax inta laxiraa laga kala tagay” ayuu madaxweynaha hadalkiisa sii daba dhigay.

Madaxweyne Xasan Shiikh, waxa uu sheegay in ay soo gaareec dacwooyinka kiisas ay maxkamada qaadeen dacwadahooda , kasoo gaareen hay’adaha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed, madaxweynaha ayaa tusaale labaad usoo qaatay, dacwada wariye C/casiis Koronto, iyo haweeneey sheegtay ineey Kufsadeen rag katirsan Ciidanka doowlada Soomaaliya, oo horaantii bishaan maxkamada gobolka Banaadir miin halsano oo xukun ah ku riday, taasoo uu xusay ineey sumcad xumo kusoo jeeday hay’adaha doowlada.

“Kiiskii ugu danbeeyay wiilkii wariyaha iyo gabadhii in lakufsaday ku dacwootay dhibka naga gaaray waad garaneysaan, sumcad xumida uu dalkeena usoo jiiday waad garaneysaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here