Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Saakay Ku Wajahan Kampala

Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa Saacadaha soo aadan lagu wadaa inuu ka amba baxo wadanka Kenya islamarkaasna uu gaaro magaalada Kampala ee Xaruunta wadanka Uganda, sidaas waxaa warbaahinta usheegay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/laahi Ciilmooge Xirsi.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu soo gabagabeeyay socdaalkiisa dalka Kenya maanta uu uduulayo dalka Uganda halkaasi oo casumad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha dalka Uganda.

Si cad looma sheegin sababta uu madaxweynaha ugu anbo baxayo Ugnada, laakiin Kampala ayaa ah garabka ama cududa ugu weyn Ciidamada AMISOM eek u sugan Soomaaliya, islamarkaasna qaybta ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta.

Booqashadaan ayaa noqoneeysa tii labaad ee uu Madaxweynaha ku tagayo wadanka Uganda tan iyo markii loo dhaariyay Xilkaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha safarka Madaxweynaha, waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena Xiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here