Madaxweyne Xasan Shiikh oo saacadaha soo aadan ku wajahan Garowe

Madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu gaaro xaruunta maamulka Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha ayaa la sheegay ineey safarka uu Garowe ku gaarayo wehliyaan xubno katirsan golaha wasiirada iyo Xilibaano.

Dhanka kale wararka aan garowe ka heleyno waxay sheegayaan in halkaas ay ka socdaan qaban qaabo lagu soo dhaweeynayo wafdiga madaxweynaha, madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

Inkastoo aan si cad warbaahinta loogu faah fahin waxyaabaha ay labada madaxweyne ka wada hadli doonaan, hadana waxaa jira warar hoose oo sheegaya in diirada la saari doono arinta Jubooyinka, iyo shirka bisha May ka dhici doono magaalada London, kaasoo lagu taageerayo doowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here