Madaxweyne Xasan Shiikh oo markale ku celiyay inuu la dagaalamayo Musuq-maasuqa

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa markale ku celiyay inuu si aad ah ula dagaalami doono musuq-maasuqa iyo wax isdaba marinta.

Madaxweynaha ayaa mar uu hadal kajeedinayay kulan ay lahayeen wasiirada cusub ayaa waxa uu soo hadal qaaday musq-maasuqa iyo dhibka uu ku hayay doowladihii KMG ahaa ee iyaga kahoreeyay tan iyo markii ay dhacday doowladii milatariga 1991-dee.

Waxaan dhowr mar ku cel celiyay in doowladeeyda ay kasoo hor jeedo musq-maasuqa, waxana balan qaadayaa inaan si adag ula dagaalami doono, waana kasoo hor jeednaa in danta guud si qaldan loo adeegsado” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in waqti dhow uu soo magacaabi doono gudi madax banana islamarkaasna dabagal ku samayn doono daqliga soo gala xukuumada, kuwaasoo soo kala cadayn doono halka uu ku baxo qarash walbo.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa markii la doortayba waxa uu kadhawaajiyay inuu si aad ah ula dagaalami doono musq-maasuqa, waxaana horay ujirtay in aad lo musq maasuqi jiray daqliga iyo dhaqaalaha soo gala xukuumadihii kahoreeyay tan hada jirta, taasoo keeni jirtay in mar walbo gudiga QM uxilsaartay dabagalka qarashaadka lasiiyo Soomaaliya ay soo saaraan war bixino muujinaya in lacago aad ufarabadan la lunsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here