Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta baarlamaanka hor tagay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta Khudbad ka hor jeediyay kulan ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen xilibaanada, waxaana uu uga hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan siyaasada dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii kahadlay arimaha ku saabsan barlamanka kulamadiisa, waxaana uu tilmaamay tan iyo wixii ka danbeeyay kalfadhigii 2-aad ee baarlamanka markii uu furmay uu ka muuqanayay habacsanaan xoogan islamarkaasna loo baahnaa in baarlamaanka ay boorka iska jafaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii uu ku tagay magaalada Garowe ee xaruunta maamulka Puntland, halkaas oo uu kulan kula soo qaatay madaxweyne Faroole, waxa uuna tilmaamay in maamulka Puntland uu yahay maamul dhamaystiran islamarkaasna loo bahanyahay inuu noqdo mid lagu daydo.

Shirka Kismaayo:

Madaxweynaha oo Khudabadisia dhinacyo badan taabaneysay ayaa waxaa uu ugu danbeyntii ka hadlayay arin ka hadalkeeda laga sugayay oo ah mowqifkiisa ku aadan shirka ka soconaya magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in shirkaasi uu yahay mid sharci darro ah oo aan dan u ahayn ummada Soomaaliyeed, laakiin u daneynaya ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu cabsi ka qabo in shirka Kismaayo hada kasoconaya uu sababo isku dhac, waxaana uu odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha ku howlan shirka Kismaayo ugu baaqay ineey shirka u badalaan mid dib u heshiisiin ah.

Wadooyinka Xiran ee Muqdisho:

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbadiisa uga hadlay wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay ineey jirto khatar guud oo ay Aragagixisada ku hayso geeska Afrika arintaas iyagoo ka hortagayana ay wadooyinka Muqdisho xireen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here