Madaxweyne Xasan Shiikh oo kusoo biiray Twitter-ka

madaxweyne xasanMadaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa markii u horeysay Twitter-ka isagoo sameystay Akoon u gaar ah.

Kusoo biirista Twitter-ka ee xiligaan, ayaa loo arkaa mid uu madaxweynaha ku doonayo inuu ololihiisa doorashada qeyb uga dhigo.

Bogga cusub ee Madaxweynaha ka sameystay Twitter-ka ayaa la sameeyay bishii hore, waxaana cinwaankiisu yahay @HEhassansheikh.

twitter-xasan

Madaxtooyada Somalia ayaa horay u laheyd Bog Twitter, taasoo ka dhigan mid aan Madaxweynuhu gaar u aheyn, maadaama magaca uu wato yahay ee Villa Somalia uu noqon karo mid ka dhaxeeya Madaxweyne kasta oo xafiiska yimaada, waxaana boggan Twitter-ka uu yahay mid dad ka badna 80-kun ay Follow ku yihiin.

Durbaba Madaxweynuhu waxaa uu boggiisa Twitter-ka ku xoojiyay ololihiisa doorasho iyo dadaalka uu ugu jiro in mar kale ku guuleysto Kursiga Madaxtiniada Soomaaliya.

Fariimo qoraaleedkii u dambeeyay ee la soo dhigay barta Twitter-ka Madaxweynaha ayaa u badnaa halku dhigyo ku aadanaa ololaha doorashada sida “Qabyo ninkeeda ayaa dhameystira #Qabyotire Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here