Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan Albaabada uxiranyihiin la qaatay Mahiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay danjiraha QM ufadhiya Soomaaliya Ambasador Augostine Mahiga.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran, ayaa labada dhinac waxay kawada hadleen xiriirika kadhaxeeya QM xafiiskeeda siyaasada ee magaalada Muqdisho iyo doowlada Soomaaliya, sidokale waxaa kulanka goob joog ka ahaa RW Saacid.

Markii uu kulanka soo idlaaday ayaa waxaa saxaafada shir jaraa’id u qabtay Ambasador Mahiga, waxaana uu ka dhawaajiyay in madaxda Soomaalida iyo QM ay kawada hadleen sidii tababar loo siin lahaa dadka aksoo goosta Al-shabaab, iyo sidi hay’adihii QM ee arimaha amanka ugu cararay dalka dib loogu soo celin lahaa.

Augostine Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in doowlada Soomaaliya madaxdeeda uu kala hadlay maamul u samaynta gobolada dalka, iyo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa malaayiin qof oo Soomaali ah, kuwaasoo kayimid dalka Dibadiisa kuwaasoo ku naaloonaya xasiloonida iyo rajada kasoo bidhaameeysa Soomaaliya.

Kulankaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay si kafool kafool ah uwada hadlaan Ergayga QM uqaabilsan Soomaaliya iyo madaxda ugu sareeysa dalka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here