Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa kahor intuusan ka duulin garoonka diyaaradaha Jbuuti mar uu wareysi gaaban siinayay idaacada VOA-da waxa uu ka hadlay doorashooyinka saakay ka bilaawday magaalooyinka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa aad u bogaadiyay horumarka iyo dimoqraadiyada ay sameeyeen shacabka iyo maamulka Somaliland.

“Waa wax lagu farxo hanaanka iyo dimoqraadiyada ay ku talaabsadeen reer Somaliland, waana bogaadineeyna, waana wax ay Soomaali oo dhan ay ku faanto mudana in lagu daydo” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu sheegay in doorashooyinkaan ay bilaaw uyihiin in horay loosii wado wadahadalada udhaxeeyay labada dhinac, islamarkaasna ay marwalbo ku dadaali doonaan in wadahadalada ay kasoo baxaan wax ay labada shacab raali kuyihiin kuna farxaan.

Saakay ayaa waxaa dhamaan gobolada iyo magaalooyinka Somaliland dadaka waxay ukalaheen ineey codkeedo dhibtaan iyagoona soo dooranaya goloyaasha doowlada hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here