Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray Adis Ababa

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa saacado kahor waxay gaareen magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay wasiirka wasaaradda difaaca dalka, Taliyaha ciidamada XDS iyo masuuliyiin kale oo ka tirsa dowladda.

Masuuliyiin katirsan doowlada Itoobiya iyo safaarada Soomaaliya ayaa wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha si diiran halkaas ugu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kasoo kicitamay magaalada Jabuuti ee dalkaas Jabuuti, waxaana lagu wadaa in Adis Ababa ay kulamo kula qaataan RW dalkaas iyo masuuliyiin kale waxayna kawada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka ladagaalanka koxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here