Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Uhuro kenyata oo isku afgartay in dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo shalay tagay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha cusub ee dalkaas Uhuro Kenyata, waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ahaa, in doowlada Kenya ay dib isaga soo celiso qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, ayaa isku raacay in Xerada qaxootiga aduunka ugu ballaaran ee dhadhaab laga soo daad gureeyo qaxootiga Soomaaliyeed, dalkoodana dib loogu soo celiyo.

Madaxweynaha Kenya Uhuro, ayaa sheegay in hada aysan jirin baahi keeneysa in doowlada Kenya ay hayso culeys intaasi la’eg, maadaama dalka Soomaaliyeed uu yeeshay doowlad rasmi ah oo aan KMG ahayn.

“Waa in gar gaarka lagu siiyaa gudaha dalka Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Uhuro kenyata.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ogolaaday in dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee farahabadan kuna sugan xeryaha qaxootiga dalka Kenya.

Uhuro, ayaa sheegay in doowlada Kenya aysan dhibaato u geysan qaxootiga Soomaalida ah, iyadoo ay jiraan buu yiri Uhuro in Al-shabaab ay isku soo dhex qariyaan dadka qaxootiga ah ee dalka Kenya galaya.

Hadalka labada madaxweyne ayaa imaanaya xili QM ay sheegtay in dad 12,000 kabadan ilaa iyo bishii January ay kasoo laabteen xeryaha qaxootiga dalka Kenya, gaar ahan xerada Dha-dhaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here