Ciidamada Ethiopia oo kusii sugnaan doona Soomaaliya {Warbixin}

ADDIS ABABA-War hada soo dhacay ayaa ku waramaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo RW Ethiopia Hailemariam Desalegn ay ku heshiiyeen in ciidamada Ethiopia ay kusii sugnaadaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka ay hada gacanta kuhayaan tan iyo inta ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ay kala wareegayaan goobahaas.

“Waxaan sugaynaa ilaa iyo inta ay ciidamada midowga Afrika badalayaan booskeena” sidaa waxaa warbaahinta usheegay Hailemariam Desalegn

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo markiisii ugu horeesay booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa tan iyo markii la doortay ayaa waxa uu maanta kulan saacado qaatay la yeeshay RW dalkaas Hailemariam Desalegn, labada masuul oo kawada hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa kulankooda si gaar ah diirada loogu saaray ciidamada Ethiopia ee kusugan gudaha Soomaaliya iyo waqtiga ay sida rasmiga ah uga baxayaan.

“Inkastoo Al-shabaab niyad ahaan iyo milatari ahaanba lajabiyay, hadana qabiirada milatariga waxay qabaan in wali qatartooda ay taagantahay dhibaatana ay geysan karaan” sidaasi waxaa yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

“Majiro wax xiriir ah oo naga dhaxeeya, mana dooneeyno in mid kamid ah ajaanibta Al-qaacida uu kusgnaado dhulkeena, waxa aan dooneeyno waa in ay isaga tagaan wadankeena” ayuu sii raaciyay madaxweyne Xasan Shiikh.

November 2011 ayay ahayd markii ay ciidamada Ethiopia oo wata taangiyo badan ay soo galeen gudaha Soomaaliya iyagoona weerar ku qaaday fariisamaha Al-shabaab waxayna gacanta ku dhigeen magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne.

Dhanka kale ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa iyaguna waxay qabsadeen magaalooyin farabadan oo katirsan Shabeelada Hoose iyagoona hada qorsheeynaya ineey isku furan gobolada Shabeelada Hoose iyo Baydhabo.

Ethiopia ayaa mudo dheer waxay ahayd cadawga soo jireenka ah ay leedahay Soomaaliya, waxaana taas ay sii xoogeeysatay sanadkii 2006 markaasoo Ethiopia ay ciidamo aad ufarabadan usoo dirtay gudaha Soomaaliya iyagoona garab siinayay doowladii uu hogaaminayay ALLAHA unaxariistee madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

Soomaaliya ayaa foowdo iyo dagaalo kujirtay tan iyo markii lariday doowladii milatariga ahayd ee uu hogaamin jiray ALLAHA unaxariisteen Siyaad Barre 1991-dii

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Xuquuqda qoraalkan waxay gaar u tahay Midnimo.com lama daabac karo iyadoo aan wax ogolaasho ah laga haysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here