Madaxweyne Xasan Shekh oo booqday xeryaha ciidamada dar-daaran siiyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah kormeer guud ku tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Xarunta Taliska Xoogga Dalka ee Villa Baydhabo.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa Gobolka Banaadir ku aadana maanta ayaa soo indha indheeyey xaaladda guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo uu kula kulmay Saraakiisha iyo qaar ka mid ah ciidanka xoogga Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar uu la hadlayey Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay inay dhowraan sadexda wax ee ay ku dhaartaan oo ah Dalka, Diinta iyo Dadka.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in Ciidanku uu dhowro Asluubta iyo Anshaxa Xoogga Dalka wuxuuna sheegay in Ahmiyadda koowaad ee dowladdu ay tahay Amniga dalka lagana doonayo Ciidanka Xoogga in ay keenaan.

“U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo, Cidina kama sareyso Sharciga Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lala keenayaa Sarkaalkiisa” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray in dowladi jiri karin Amni la’aan, “Waana inaan si wadajir ah oo iskuduubni leh u difaacnaa Dalkeena, kana caabinna Cadowga gudaha iyo Dibadaba”

“Isbedelka Ciidankeena waad garan kartaan, shalay maanta ayaan ka fiicanahay Berrina Guul waarta ayaan gaareynaa Insha Allah” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here