Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay kulan wadatashi ah la yeeshay musharaxiinti xilka kula tartantay

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaliga Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta madaxtooyada kula qaatay kulan wada tashi ah qaar ka mid ah musharaxiinti kula tartantay xilka madaxweynaha.

Kulanka oo sidoo kale uu joogay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa uu madaxweynaha kala tashaday siyaasiyiintan qaabka ugu haboon ee uu usoo magacaabayo Ra’isulwasaaraha.

Dadka uu la kulmay waxaa ka mid ahaa dadki ugu cad cadaa ee wareegi koowaad ee doorashada ka helay codad macquul ah, waxaa ka mid ahaa kulanki xalay siyaasiyiinti xaadirka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cabdiwali Maxamed Cali, Prof Samatar, Cabdulaahi Axmed Cadow, C/raxmaan Baadiyow, C/qadir Cosoble, Yusuf Garaac Cumar iyo qaar kale.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey codadki ay siiyeen wareegi labaad ee doorashada ee uu sida weyn uga guuleystay ninki la tartamayey madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu u xaqiijiyey in uu wax badan ku tiirsanaan doono isla markaana uusan ka maarmin afkaartooda, isaga oo balan qaaday inuu dhawaan soo magacaabi doono Ra’isulwasaare tayo leh.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu Jimcaha soo aadan u duulo dalka Uganda safarkaasi wuxuu noqon doonaa kan ugu horeeya ee uu dibada ku aadi doono, waxaa xigi doona socdaal uu ku tagi doono Magaalada New York oo uu uga qeybgali doono shirka Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here