Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Hindiya ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Hindiya ee Soomaaliya Ambasador Sibabrata Tripathia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Safiirka Hindiya ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee dhinacyada ganacsiga, dib u dhiska, horumarinta, ammaanka, iskaashiga labada dowladood iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu u sheegay safiirka Hindiya in dowlada Soomaaliya ay aad u dooneyso in xiriir wanaagsan uu dhex  maro dalka Hindiya isla markaana labada dal ee badweynta Hindiya ku yaal ay is dhaafsadaan iskaashi.

Dalka Hindiya ayaa waxaa ku nool dadweyne faro badan oo Soomaali ah kuwaas oo u badan arday wax ka barata jaamacadaha dalka Hindiya.

Ugu dambeeyntii Ambasador Sibabrata Tripathia ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ugu hambalyeeyey xilalka cusub.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here