Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah loogu boqray madaxweynaha Soomaaliya

Munaasabad balaaran oo ka dhacday xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah loogu caleema saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Xaflada oo ka hor inta aysan xilalka la kala wareegin Madaxweynihi hore iyo Madaxweynaha cusub ay ka hadleen madax sare oo ay ka mid ahaayeen, Ra’isulwasaaraha Ethiopia Xeyla Maryam Disalegn, Madaxweynaha Jabuti, Ra’isulwasaare xigeenka Uganda, Ra’sulwasaare xigeenka Turkiga iyo madax kale.

Dhamaan madaxdaasi iyo wakiilo ka socday beesha caalamka waxay goob joog u ahaayeen xaflada caleema saarka oo uu si rasmi ah xilkii ugu wareejiyey madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

Aqristayaal sawirada iyo qudbadihi ugu muhiimsanaa oo kooban wararkeena danbe ayaan idinkugu soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here