Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in la shaqeyaan

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan gudashada howsha adag ee xalay loo doortay.

Qudbadi ugu horeeysay ee uu jeediyey xalay waxyar kadib marka loo dhaariyey xilka madaxweynaha, ayuu Mr. Xasan Sheekh ku codsaday in uusan waxba qaban karin taageerada shacabka la,aantood, isaga oo u mahad celiyey dhamaan xildhibaanada doortay iyo kuwi aan dooran.

“Ma shaqeyn karo aniga oo aanan garab ka heysan shacabka Soomaaliyeed, waxaan u mahad celinayaa marka koowaad dhamaan xildhibaanada codkooda i siiyey iyo kuwa aanan i siin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale madaxweynaha laga guuleystay Shariif Sheekh Axmed ayaa aqbalay natiijada doorashada isaga oo ugu hambalyeeyey madaxweynaha cusub guusha uu ka gaaray tartanka.

Sheekh Shariif ayaa isla markiiba ku amray taliyaasha ciidamada in ay taageeraan madaxweynaha cusub, waxa kale oo uu balan qaaday in uu taageeri doono madaxeyne Xasan Sheekh.

Sheekh Shariif ayaa arinta uu sida weyn uga dar daarmay tahay amaanka oo uu ka codsaday taliyaasha ciidamada iyo madaxweynaha cusub in uusan qal qal galin oo uu sidiisa iyo si kasii wanaagsan ahaado.

Gaba gabadi, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweynihi hore ee Sheekh Shariif yahay nin ay saaaxibo ahaayeen, hadana ahaan doonaan uusan ka maarmin talooyinkiisa.

Xasan Sheekh ayaa waxaa horyaala howlo adag, sida amaanka, qabshada dalka oo dhan iyo in dalka uu gaarsiiyo doorasho xor ah afar sano kadib.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here