Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Booqasho Ku Tagay Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta booqasho ku tagay Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan, iyadoo booqashadan la sheegay inay qaadaneyso mudo 3 cisho ah.

Xasan Shkeeh ayaa casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa Sudan Cumar Xasan Albashiir, wuxuuna caasimada uga gudbay Gobolka Blue Nile.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn qurux badan loogu sameeyay Gobolka Damasin, waxaana soo dhaweynta ka qeyb qaatay madaxweynaha Sudan Cuma Albshiir.

Socdaalka madaxweynaha uu ku tagay Sudan ayaa ah inuu ka qeyb galo munaasabada 57 guuradii ka soo wareegatay marki Sudan ay xornimadeda ka qaadatay Ingiriiska.

Inta uu ku sugan yahay madaxweynaha dalka Sudan wuxuu kulamo la qaadan doonaa ardada jaamacadaha dhigta iyo jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi, isagoo kala hadli doona xaalada dalka iyo taageerada looga baahan yaha jaaliyada iyo ardada sudan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Sudan joogi doona mudo 3 cisho ah, maadaama uu ka qeyb galayo munaasabada ay suudan ugu dabaal dageyso xornimadeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here