Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Booqanaya Ilaha Dhaqaalaha ee Dowlada Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Dalka Jabuuti ayaa la filayaa inuu gaaro xarumaha ay ay dhaqaalaha uga soo xaroodaan Dowlada Jabuuti ee walaalaha aan nahay.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta kormeer ku tagi doona ilaha dhaqaalaha Jabuuti sida Dekada Jabuuti , Garoonka Diyaaradaha, Xarumaha Dowlada ay ka soo galaan dhqaalaha iyo Sidoo kale Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay  Dalkaasi Jabuuti.

Kamaal Daahir Xasan oo ah Agaasimaha Madaxtooyada ayaa warbaahinta u sheegay in Maanta uu madaxweynaha Dalka Soomaaliya Qado sharaf la qaadan doona Dhigiisa uu martida u yahay ee Ismaaciil Cumar Geele, waxayna qado sharaftaasi ka dhaceysaa Xarunta madaxtooyada Jabuuti.

Sidoo kale Galinka dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in madaxweynaha uu u duulo Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya, isagoo kulamo aan dheereyn la soo qaadan doona Ra’isul wasaaraha dalkaasi, waxaana booqashada Itoobiya la sheegay inaysan ahayn mid qaadaneysa saacado badan.

Madaxweynaha waxaa uu Itoobiya kaga sii gudbi doonaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaaso uu kulamo xasaasi ah kula qaadan doono Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki iyo qaar ka tirsan madaxda Dalka Kenya.

Kenya waxaa shalay soo gaartay wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji, iyadoo wasiirada u gogol xaareysa wafdiga madaxweynaha ee ka imaanaya Itoobiya.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha ayaa sheegay in safarada madaxweynaha uu qaadan doono mudo Isbuuc ah, balse waxaa suuragal ah in aysan gaarin mudadaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha safarka madaxweynaha iyo dalalka uu booqanayo kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here