Madaxweyne Xasan Sheekh oo Lagu Wado inuu Socdaal Ku Tago Dhuusamareeb

soo degaya
waa Muuqaalka Socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb ku tagay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu gaaro degmada Dhuusamreeb ee gobalka Galgaduud.

Ilo wareedyo Muhiim ah oo ku sugan madaxtooyada ayaa u sheegay website-ka Midnimo in halkaasi ay saacado ka dib ay doonayaan inay kusoo dhaweeyaan Madaxweynaha iyo xubno la socda oo sanadkaan gudahiisa safarkiisa Sedaxaad ku baxayo.

Madaxweynaha oo ka amba baxaya magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in Dhuusamareeb uu kula kulmo Odayaasha dhaqanka ee halkaasi jooga, waxaana sidoo kale la filayaa in madaxweynaha uu halkaasi kaga dhawaaqo goobta uu ka furmi doono shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud iyo waqti la furayo shirkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here